Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay gobolka Puntland ee Soomaaliya, iyagoo beegsaday kooxda Daacish (ISIS-Somalia).
Duqeyntan oo ay si wadajir ah u fuliyeen AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa lagu bartilmaameedsaday dhowr xarumood oo Daacish ay ku lahayd Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta ay ka dhacday bariga magaalada Boosaaso, isla markaana lagu dilay tiro dagaalyahanno ka tirsan Daacish, iyadoo aan waxyeello soo gaarin dad rayid ah.




From the comments