Diyaarad nooceedu yahay De Havilland Dash 8 (DH8D) oo ay leedahay UNSOS ayaa la kulantay cillad farsamo oo la xiriirta taayirka hore kadib markii ay ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Aden Cadde 11:16 waqtiga maxalliga ah, iyada oo u socotay magaalada Baydhabo.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), duuliyeyaasha diyaaradda ayaa dareemay cillada, taasoo keentay in ay go’aansadaan inay dib ugu soo laabtaan garoonka Muqdisho.
“Kadib markii ay ogaadeen arrinta, shaqaalaha duulimaadka waxay go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan Muqdisho iyaga oo raacaya hab-raacyada badbaadada,” ayaa lagu yiri bayaanka SCAA.




From the comments