Xiisada Iran iyo Mareykanka oo cirka isku sii shareeraysa iyo Trump oo ku hanjabay inuu Tehran duqeynayo

Iran ayaa ka digtay tillaabo aargoosi ka dib hanjabaad uu Trump u jeediyay oo ahayd inuu weerar duqeymo ah ku qaadi doono, iyadoo wacad ku martay in Mareykanka uu la kulmi doono cawaaqibka xun ee ficilladiisa.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa cambaareysay hanjabaada madaxweyne Donald Trump ee ah in uu duqeyn doono Iran, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah mabaadi’da caalamiga ah.
Arrin kale oo xiisad uga sii dartayna waa in Iran ay gacanka Pershia ka qafaalayay laba markab oo midkood uu leeyahay isku tagga Imaaraadka carabta oo xulufo dhow la ah Washington, waxaana laga cabsi qabaa in tillaabadaas uu Mareykanku uga jawaabo mid ka adag inta la filan karo.
Xiisadda labada dhinac ayaa xumaanaysay taniyo markii uu xaafiiska yimid Trump, wuxuuna maamulka cusub ee Maraykanku isku dayayaa inuu Iran qasbo heshiis dhanka Nuclear-ka ah, balse Tehran ayaa u muuqata inaysan oggolaanayn wada-xaajood qoor qabasho ah.