Alle ha u naxariisto Gaashaanle Sare Nuur Farey, Taliyihii Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa maanta lagu dilay gobolka Shabeelaha Hoose.
Wararka hordhaca ah ee la helay ayaa sheegaya in taliyaha uu toogtay qof hubeysan xilli uu ku sugnaa goob hawlgal amni ka socday lama xaqiijij karo ninka dilay taliyaha in uu ka tirsanaa Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Markii falka dilka ah uu dhacay kadib, Ciidamada Amniga ayaa si degdeg ah uga falceliyay, waxaana isla goobta lagu dilay eedeysanihii toogtay Taliyaha.




From the comments