Mid ka mid ah Wasiiraddii ugu waqtiga dheeraa Wasaaradda Gaashaandhigga oo xilka Wareejiyay iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
Cabdilqaadir Maxamed Nuur, oo xilkan hayay muddo 40 bilood ah, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay xilka Wasiirka cusub mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa khudbadiisa ku muujiyay mahadnaq uu u jeediyay Wasiirkii hore dadaalkii uu muujiyay muddadii uu xilka hayay, gaar ahaan xilligii uu dalka ku jiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Wuxuu sidoo kale Wasiirka cusub u rajeeyay guul, isagoo uga digay in mas’uuliyadda amniga qaranka tahay mid culus oo u baahan hal-adeyg, qorshe cad, iyo is-kaashi dhow oo lala yeesho hay’adaha kala duwan ee amniga.
“Wasiir jibriil waxaa laguu dhiibay wasaaradda ka adag tii hore oo niman qoryo Garabka u saaran yihiin joogaan waxaa laga yaabaa in ay ku riixriixaan dhar tuute ah iyo dhar adag ayaad xiran doontaa ku soo dhawoow wasaaradda Gaashandhigga “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Wasiir Jaamac ayaa ka mid ah Wasiiradii waqtiga dheeraa burburkii ka dib ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya soo maamulay.