U bood dhigaalka

DEG-DEG: Safiirka Israa’iil oo laga saaray Xarunta Midowga Afrika

Sheeko:War

Addis Ababa – Safiirka Israa’iil ee Itoobiya ayaa maanta laga saaray xarunta Midowga Afrika, kadib markii dalal xubno ka ah Midowga ay si adag uga horyimaadeen ka qaybgalka safiirka kulanka sanadlaha ah ee ururka. Arrintan ayaa si rasmi ah u xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa’iil.

Afhayeenka Wasaaradda, Oren Marmorstein, ayaa cambaareeyay tallaabada, isagoo ku tilmaamay “mid layaab leh” in dhacdadani ay ka dhacdo munaasabad lagu xusayay xasuuqii Tutsiga ee Ruanda – halkaas oo uu marti rasmi ah ka ahaa safiirka Israa’iil.

“Waa nasiib darro in Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee ka socda Djibouti uu doortay in uu siyaasaddeeyo munaasabadda, halkii laga xasuusan lahaa dhibbanayaasha xasuuqa,” ayuu yiri Marmorstein. “Hab-dhaqanka noocan ah wuxuu dhaawacayaa xusuusta dadka la xasuuqay, wuxuuna muujinayaa faham la’aan taariikheed oo ku saabsan xanuunka ay wadaageen shacbiyada Ruanda iyo Yuhuudda.”

Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo cadaadis xooggan uu ka jiro gudaha Midowga Afrika, iyadoo dalal dhowr ah ay ka biyo diideen xiriirka Israa’iil iyo ururka.