Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), oo garab ka helaya ciidamo deegaanka ah, ayaa saaka aroortii hore fuliyay howlgal amni xaqiijin ah oo lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay gudaha degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay fariisimo muhiim ah oo ay kooxdaasi ku lahaayeen gudaha magaalada.
Saraakiisha ciidanka ayaa xaqiijiyay in Al-Shabaab si buuxda looga saaray Ruun-Nirgood.




From the comments