Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee General Sheegow Axmed Cali kadib maalmo uu ku xanuunsanaa isbitaal, halkaas oo looga dabiibayay cudurka kansarka sida ay xaqiijiyeen Ehelkiisa.
Marxuumka ayaa horay ugu xirnaa xabsiga dhexe ee Xamar, waxaana xukun xabsi ah ku riday Maxkamadda ciidanka Qalabka sida , kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira amniga.
November, 2, 2023 kii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa Gen. Sheegow, ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah, iyo sidoo kale bixinta Diyada dilka Sakariye Maxmaed Cali iyo dhaawaca sarkaal xigeen Cabdullaahi Xuseen.




From the comments