Ra’iisul wasaaraha XFS oo amray in hay’adaha dowladdu ay bixiyaan adeegyada ku xiran aqoonsiga qaranka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey dhaqangelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku-xirka Aqoonsiga iyo adeegyada muhiimka ah ee ay isticmaalaan dadweynaha, taas oo meesha ka saareysa in ka badan 34 sano oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ahaayeen aqoonsi la’aan.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa sheegay in adeegsiga dhijitaalku yahay fursad horumarineed oo saldhig u ah dhammaan qorsheyaasha kala ee dhinacyada dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iyo in Soomaaliya ay noqoto tusaalaha horumar ee gobolka iyo caalamka intiisa kale.




From the comments