U bood dhigaalka

Saaxiibada Caalamka: “Gogol Nabadeed oo Loo Dhan Yahay Ayaa ah  Furaha Guusha Soomaaliya”

Sheeko:War

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u soo dhoweeyay gogosha siyaasadeed ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ku baaqay 29-kii Maarso 2025, xilli lagu guda jiray munaasabadda Ciidda Soonfur.

Beesha Caalamka ayaa warkaasi ku tilmaantay fursad muhiim ah oo lagu mideyn karo dadaallada dalka loogu horumarinayo nabadda, dowlad-dhiska iyo la-dagaallanka argagixisada.

“Waa in la helaa istaraatijiyad mideysan oo ay dhammaan saamilayda Soomaaliyeed isku raacsan yihiin, si loo xaqiijiyo guul waarta oo ka dhan ah Al-Shabaab,” ayaa lagu xusay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen.

Beesha Caalamka waxay si cad u muujisay in aysan dooneyn in gogoshaasi ay ku kooban tahay oo kaliya qabanqaabada Villa Somalia, balse ay tahay in dhammaan dhinacyada siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed ay si dhab ah uga qeyb qaataan. “Fadhiyada siyaasadeed waa in aysan noqon mid Villa Somalia kaliya qabanqaabiso, balse waa in dhammaan dhinacyadu ay ka qeyb noqdaan qorsheynta iyo hirgelinta,” ayaa lagu yiri warka.

Wakiillada dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah waxay ku dhiirrigeliyeen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, siyaasiyiinta iyo qaybaha bulshada in ay si degdeg ah isugu yimaadaan si loo helo falcelin mideysan oo wax ku ool ah, loogana hortago khatarta Al-Shabaab. “Waxaan si xooggan u taageeraynaa hindisaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baaqay, kaas oo horseedi kara gogol nabadeed oo dhaba,” ayay yiraahdeen.

Sidoo kale, Beesha Caalamka waxay bogaadisay dadaalka Ciidamada Ammaanka Soomaaliya iyo Hawlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, gaar ahaan howlgallada ka socda Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

“Taageerada caalamka ee Soomaaliya waxay ku xirnaan doontaa sida ay hoggaamiyeyaasha dalka u muujiyaan midnimo iyo mas’uuliyad qaran,” ayay ku caddeeyeen war-saxaafadeedka.

Warkan waxaa si wadajir ah u saxiixay: AUSSOM, Austria, Belgium, Denmark, Jabuuti, Masar, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Hungary, IGAD, Ireland, Talyaaniga, Kenya, LAS, Norway, Ruushka, Spain, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.