U bood dhigaalka

Sacuudi Carabiya oo si KMG ah u joojisay fiisayaashii dalal gaar ah sababo la xiriira xajka

Sheeko:War

Riyadh – Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday in si kumeel-gaar ah loo joojiyay bixinta fiisaha cumrada, dalxiiska, ganacsiga iyo booqashada qoysaska ee muwaadiniinta ka soo jeeda 14 dal. Dalalkan waxaa ka mid ah: Algeria, Bangladesh, Masar, Itoobiya, Hindiya, Indonesia, Ciraaq, Urdun, Marooko, Nigeria, Pakistan, Suudaan, Tuunis iyo Yemen.

Go’aankan ayaa looga gol leeyahay in lagu xakameeyo dadka gala Sacuudiga iyagoo wata fiisooyin kale oo aan ahayn xaj, balse iska sii jooga dalka illaa uu bilowdo xilliga xajka. Sacuudigu wuxuu sheegay in arrintan ay sababtay in ay bataan dadka si aan sharci ahayn u xajiya, taasoo keenta ciriiri iyo dhibaatooyin xagga maamulka, nabadgelyada iyo adeegyada loogu talagalay xujeyda rasmiga ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Sacuudiga waxay sheegtay in muwaadiniinta dalalkan laga saaray dal-ku-galka xajka mooyee aysan heli doonin fiisayaal kale, si loo xaqiijiyo in kaliya dadka kusoo gudbay nidaamka rasmiga ah ee xujeyda loo oggolaado inay ka qeyb qaataan xajka sannadlaha ah.

Sacuudi Carabiya ayaa marar badan horay uga digtay in aan la isku dayin in xajka lagu galo fiisayaal kale oo aan ahayn fiisaha xajka, waxayna tallaabadan u aragtaa mid muhiim ah oo lagu damaanad qaadayo badqabka, habsami u socodka iyo nidaamka xajka sannadkan.