U bood dhigaalka

Fal-celin xooggan oo ka dhalatay tillaabo ay qaaday shirkadda Microsoft 

Hadal-hayn caalami ah ayaa ka dhalatay tillaabo ay qaaday shirkadda Microsoft ee uu leeyahay maalqabeenka Mareykanka ah ee Bill Gates, ka dib markii ay shaqada ka ceyrisay Gabadh Injineerad ah oo u dhalatay dalka Marooko.

shaqada ka ceyrinta Injineer Ibtihal Abu Al-Saad ayaa timid ka dib markii uu baraha bulshada qabsaday muuqaal laga soo duubay ayadoo si caro leh uga falcelinaysa taageero sirdoon oo ay sheegtay in shirkaddu at siiso maamulka Israa’iil.

Gabadhan ayaa si weyn loogu amaanay garab istaageeda dhiiranaanta leh ee ay u muujisay dadka reer Falastiin ee sida maalin laha ah loo gumaadayo, balse tillaabada ay Microsoft shaqada uga ceyrisay ayaa sababtay dhaleeceyn xooggan.