Saqaf Dumay oo Galaaftey Nolosha 98 Qof iyo Fanaankii u heesaayay

Santo Domingo – Ugu yaraan 98 qof ayaa la xaqiijiyay inay ku geeriyoodeen, halka in ka badan 150 kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii saqafka sare ee goob lagu caweeyo oo caan ah oo lagu magacaabo Jet Set uu soo dumay habeenimadii xalay.
Goobtan oo ku taalla caasimadda Jamhuuriyadda Dominican ee Santo Domingo, ayaa la sheegay in ay buux dhaaftay xilli bandhig faneed uu halkaas ka waday fanaanka caanka ah ee Rubby Pérez.
Rubby Pérez, oo caan ku ahaa heesaha merengue, ayaa la sheegay inuu ku dhintay isla goobta markii saqafku dumay.
Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqleen daryaan weyn iyo qeylo, kahor inta aysan arkin qeybaha dhismaha oo hoos u dhacaya si lama filaan ah.
Dad kale ee magac leh meesha ku dhintay waxaa ka mid ah Badhasaabkii gobolka oo ka mid ahaa martidii bandhigga ka soo qeyb gashay.
Wararka ayaa intaas ku daraya in weli dad ku hoos jiraan burburka dhismaha, iyadoo kooxaha gurmadka degdegga ah ay wali ku jiraan dadaallo lagu samatabixinayo dadka kale ee laga yaabo in ay nool yihiin.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa shaaciyay baaritaan degdeg ah oo lagu sameynayo sababta keentay dhicista saqafka, iyadoo la saadaalinayo in cilad dhanka dhismaha ah ay sabab u noqon karto musiibadan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dominican ayaa ku dhawaaqay saddex maalmood oo baroor diiq qaran ah, isaga oo tacsi u diray qoysaska dadka ku naf waayay dhacdadan naxdinta leh.
waddankaan wuxuu ku yaalla Waqooyiga Ameerika qeybteeda koonfureed ee badda Caribbean-ka. Caasimaddiisa waa Santo Domingo Waa dal caan ku ah dalxiiska, muusikada merengue, iyo dhaqanka firfircoon ee reer Caribbean.
Jamhuuriyadda Dominican waxay xuduud dhuleed oo keliya la leedahay Hal dal oo keliya, waana: Haiti Waxay isla wadaagaan jasiiradda Hispaniola, oo ay kala qaybsadaan labada dal.Xuduudda kale ee Jamhuuriyadda Dominican waa biyo.