U bood dhigaalka

Shiinaha oo xayiraad ku soo rogay in ka badan 18 shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay 

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa xayiraad saartay in ka badan18 Shirkadood oo Mareykanka laga leeyahay, kuwaas oo qaarkood ay hoostagaan waaxda difaaca, ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu dhaqan geliyay hanjabaadiisa ah inuu Beijing ku soo rogi doono canshuuro dheeraad ah.

Maamulka Trump ayaa dhowaan canshuuro 50% ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, taas oo sii xoojisay dagaalka ganacsi ee ka dhexeeya labadan dal oo ah kuwa ugu awoodda badan dunida markii la eego dhinaca dhaqaalaha.

Maamulka Trump ayaa inta badan dalalka dunida, gaar ahaan kuwa Mareykanka wax u soo dhoofiya saaray canshuuro xoog leh, balse Shiinaha ayaa u muuqda inuu si dhab ah uga aargoosanayo tillaabo kasta oo ay qaado Washington.