U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada hadlay horumarinta danaha labada dal

Sheeko:War

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa Arbacadii magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Masar . Badr Cabdulcaati.

Kulanka ayaa dhacay xilli ay socdeen shirarka shirweynaha labaad ee Wasiirrada “Hawlgalka Khartuum”, iyadoo lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istaraatijiyadeed ee labada dal, iyo sahminta fursado cusub oo iskaashi ah oo dhex mara labada shacab ee walaalaha ah.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah oo gobolka iyo caalamka khuseeya, gaar ahaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyadoo labada wasiir ay muujyeen muhiimadda ay leedahay iskaashi buuxa si loo gaaro xasillooni iyo nabad guud ahaan gobolka, loogana hortago caqabadaha wadajirka ah, iyada oo la adeegsanayo wada-shaqeyn joogto ah iyo diplomaasiyad firfircoon.

Kulankan ayaa dhabbaha u xaaray kor u qaadista wadashaqeynta saddex-geesoodka ah ee Soomaaliya, Masar iyo Ereteriya, iyadoo labada wasiir ay soo dhoweeyeen wadatashiyada la xiriira xoojinta wada-hadallada iyo howlgal wadaagga ah ee dalalkan, iyagoo diiradda saaraya is-dhexgalka goboleed, xasilloonida, iyo yoolalka horumarineed ee wadaagga ah.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Masar taageerada ay siiso Soomaaliya meelo badan oo muhiim ah, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee Masar ku leedahay xasilloonida iyo horumarka dalka. Sidoo kale waxa uu caddeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ay la leedahay Masar si loo gaaro danaha guud ee labada dal.

Dhankiisa, Wasiir Badr Cabdulcaati ayaa adkeeyay in Masar ay ixtiraamayso midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, ayna taageersan tahay hay’adaha qaran ee Soomaaliya iyo dadaallada ay ku doonayso xasillooni waarta. Wuxuu sidoo kale hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay mideynta gobolka si looga hortago khataraha amni iyo in la horumariyo dhaqaalaha.