Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiis Istaraatiji ah oo ku saabsan Sahaminta iyo Soo Saarista Shidaalka Dhulka Hoostiisa ah

Wasiirka Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Soomaaliya, Mudane Daahir Shire Maxamed, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Jamhuuriyadda Turkiga. Kulankan ayaa ka dhacay xarunta wasaaradda Turkiga, waxaana lagaga hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee dhanka tamarta.
Kulanka kadib, labada dhinac waxay qaadeen tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa iskaashiga istaraatijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga. Waxaa si rasmi ah loo saxiixay heshiis u dhexeeya Shirkadda Dawooyinka Batroolka Turkiga (TPAO) iyo Hay’adda Maamulka Batroolka Soomaaliya, heshiiskaas oo loogu magac daray:
“Heshiiska Sahaminta iyo Soo Saarista Hydrocarbon-ka ee Dhulka Hoostiisa ku jira ee Soomaaliya.”
Iyadoo heshiiskan la fulinayo, TPAO waxay ka hawl-geli doontaa saddex aag oo dhulka gudaha Soomaaliya ah, kuwaas oo wadartoodu tahay 16,000km².
Waxa ay shirkaddu ka samayn doontaa sahamin dhameystiran oo laba iyo saddex-cabbir leh (2D & 3D seismic surveys). Marka la helo xogta muhiimka ah, waxaa la guda geli doonaa howlgalka qodista ceelasha shidaalka.