Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, kuwaas oo hordhac u ah safarka Ra’iisul Wasaaraha XFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre.
Maamulka iyo Bulshada magaalada Laascaanood ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyey wafdigaan ka socda dowladda federaalka.
Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) ayaa xarunta madaxtooyada ee maamulka SSC Khaatumo ku soo dhaweeyey wafdigaan, halkaas oo kulamo ay uga socdaan.




From the comments