Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah uga degay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay. Booqashadan ayaa noqoneysa tii ugu sarreysay ee uu ku tago magaalada tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.
Markii uu ka degay garoonka diyaaradaha ee Laascaanood, waxaa si sharaf leh u qaabilay mas’uuliyiin heer gobol iyo heer federaal ah, waxaana uu salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed . Ciidanku waxay muujiyeen heegan iyo niyad-wanaag sare oo ka tarjumaya xaaladda amni ee gobolka.
Kumanaan qof oo shacabka reer Laascaanood ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada si ay u muujiyaan taageeradooda iyo soo dhaweyntooda Ra’iisul Wasaaraha.




From the comments