U bood dhigaalka

Rakaab ku dhex geeriyooday diyaaradda Kenya Airways xilli ay duulimaad ku jirtay

Diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways oo ka soo duushay magaalada New York kuna soo jeeday magaalada Nairobi ayaa xaalad qalqal ah gashay kadib markii qof da’ ah oo rakaabka kamid ahaa uu hawada ku geeriyooday, xanuun soo wajahday dartiis.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay shirkadda Kenya Airways, shilkan ayaa ka dhacay diyaaradda KQ 003, taasoo ka duushay garoonka diyaaradaha ee John F ee magaalada New York, kuna wajahnayd garoonka Jomo Kenyatta ee magaala-madax Kenya.

Kennedy International Airport (JFK) ee magaalada war qoraal ah oo ka soo baxay shirkadda Kenya Airways ayaa lagu sheegay in Shaqaalaha diyaaraddu ay ku dadaaleen sidii ay ula tacaali lahaayeen xaaladda bukaanka, islamarkaana duulimaadka loo weeciyay garoonka Entebbe ee Uganda, balse markii la xaqiijiyay dhimashada ay diyaaraddu safarkeedii dib u billaabatay.

Kenya Airways ayaa intaas ku dartay, inay si dhow ula shaqaynayso qoyska qofka dhintay, balse waxaa si weyn loo dhaliilayaa sida ay diyaaraddaasi ugu diyaarsantahay wax ka qabashada xaaladaha caafimaad ee degdegga ah.