Johannesburg, South Africa – Waxaa xalay fiidkii magaalada Johannesburg lagu dilay ganacsade caan ah oo Soomaaliyeed, Mohamud Abdi Rahman Siyaad (Doole), kadib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan oo aan weli la aqoonsan.
Marxuumka ayaa ka mid ahaa ganacsatada Soomaaliyeed ee si weyn looga yaqaanay magaalada Johannesburg, gaar ahaan xaafadaha ay Soomaalidu degto. Sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah, weerarka lagu dilay wuxuu dhacay xilli uu kasoo baxay ganacsigiisa, waxaana lagu toogtay meel u dhow gurigiisa.
Maalmihii ugu dambeeyay waxaa isa soo tarayay weerarrada lagu hayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh Koonfur Afrika, iyada oo laga dayrinayo ammaanka iyo badqabka bulshada Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan.




From the comments