SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga qeyb-galaysa shirka Madasha wada-tashiga qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo uu si rasmi ah uga qeyb-gali doona shirka Madasha wada-tashiga qaranka, islamarkaana uu gaarsiiyay casuumaad uu madaxweynuhu u diray.
Qodobkan ataa kamid ah waxyaabihii ay dadka deegaanadaasi mudada ku taamayeen, ayadoo SSC-Khaatumo ay noqanayso maamulka 7-aad ee shirkaas ka qeyb-galaya markii lagu daro gobolka Banaadir iyo 5-ta dowlad goboleed.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa weli Laascaanood ku sugan, asagoo halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo maamulka iyo qeybaha bulshada, waxayna dadka deegaanku rajo weyn ka qabaan inay heli doonaan xuquuq lamid ah midda maamullada kale.