U bood dhigaalka

Akhriso nuxurka war-murtiyeedkii laga soo saaray kulamadii Ra’ïisul Wasaaraha XFS iyo madaxda Maamulka SSC-Khaatumo 

Sheeko:War

Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa 12kii 15kii April 2025 booqasho taariikhi ah ku tagay Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, booqashadan ayaa looga gollahaa xoojinta Nabadda, Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’ïisul Wasaaraha iyo wafdigiisu intii uu joogay Magaalada Laascaanood wuxuu kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Golaha wakiillada, Isimadda Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna isla qaadaa dhigeen xaaladda deegaanka SSC-Khaatumo.

Mahadcelin & Bogaadin

Ra’ïisul Wasaaruhu waxa uu uga mahadceliyay Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo soo dhaweyntii qiimaha badnayd ee ay u sameeyeen Ra’ïisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay sida ay reer SSC-Khaatumo uga go’antahay ka shaqeynta Nabadda iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Islamarkaana waxa uu soo dhaweeyay sida Mugga iyo milgaha leh ee ay Maamulka, Shacabka iyo Ciidammada SSC-Khaatumo uga go’antahay ilaalinta Nabadda iyo u adeegidda bulshada.

Qodobadda ka soo baxay Shirarkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo:

1. Arrimaha Amniga

Maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo waxay si buuxda u taageereen Dagaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijtu Alshabaab iyo Daacish.

Xukuumadda JFS waxa ay bogaadisay amniga, xasilloonida iyo kaladanbaynta ka jirta deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan arrimaha dib u habaynta iyo horumarinta ciidanka SSC-Khaatumo, iyadoo la waafajinayo hannaanka amniga Qaranka (National Security Architecture).

2. Arrimaha Siyaasadda

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee Dowlad-dhiska, Horumarinta, Nabadda, Midnimada Dalka, Dimoqraadiyaynta iyo Xaqiijinta Xaqa Muwaadinka.

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray gogosha Nabadeed ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay, waxayna SSC-Khaatumo diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato Gogoshaas.

3. Xoojinta Nabadda iyo Midnimada Ummadda

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka SSC-Khaatumo waxa ay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

4. Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay Maamul Kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajirka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyeen ka go’anaanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha Dowladdnimada, Isla markaana si faah-faahsan loo darsay horumarka laga sameeyay dhammaystirka dastuurka iyo u diyaar garawga shirka guud ee

SSC-Khaatumo, waxa ayna xukuumaddu go’aansatay;

B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka

T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC).

J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan.

5. Hirgalinta Mashaariicda horumarineed

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay si wada jir ah uga wada shaqayn doonaan hirgalinta mashaariic horumarineed oo wax ka badali doona nolosha dadka reer SSC-Khaatumo.

6. Arrimaha Maxaabiista

Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba.

Gunaanad

Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’ïisal Wasaaraha, Xukuumadda JFS taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo.

Booqashada Ra’ïisul Wasaaraha oo ahayd middii u horraysay ee uu RW Soomaaliyeed ku yimaaddo Magaalada Laascaanood ayaa ku soo gaba-gabawday farxad, nabad, iyo midnimo. Waxa uuna RW hu ku booriyey ummadda Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, ka shaqeeyaan amniga, horumarinta iyo midnimada.