Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa 12kii 15kii April 2025 booqasho taariikhi ah ku tagay Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, booqashadan ayaa looga gollahaa xoojinta Nabadda, Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Ra’ïisul Wasaaraha iyo wafdigiisu intii uu joogay Magaalada Laascaanood wuxuu kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Golaha wakiillada, Isimadda Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna isla qaadaa dhigeen xaaladda deegaanka SSC-Khaatumo.
Mahadcelin & Bogaadin
Ra’ïisul Wasaaruhu waxa uu uga mahadceliyay Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo soo dhaweyntii qiimaha badnayd ee ay u sameeyeen Ra’ïisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay sida ay reer SSC-Khaatumo uga go’antahay ka shaqeynta Nabadda iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Islamarkaana waxa uu soo dhaweeyay sida Mugga iyo milgaha leh ee ay Maamulka, Shacabka iyo Ciidammada SSC-Khaatumo uga go’antahay ilaalinta Nabadda iyo u adeegidda bulshada.
Qodobadda ka soo baxay Shirarkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo:
1. Arrimaha Amniga
Maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo waxay si buuxda u taageereen Dagaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijtu Alshabaab iyo Daacish.
Xukuumadda JFS waxa ay bogaadisay amniga, xasilloonida iyo kaladanbaynta ka jirta deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan arrimaha dib u habaynta iyo horumarinta ciidanka SSC-Khaatumo, iyadoo la waafajinayo hannaanka amniga Qaranka (National Security Architecture).
2. Arrimaha Siyaasadda
Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee Dowlad-dhiska, Horumarinta, Nabadda, Midnimada Dalka, Dimoqraadiyaynta iyo Xaqiijinta Xaqa Muwaadinka.
Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray gogosha Nabadeed ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay, waxayna SSC-Khaatumo diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato Gogoshaas.
3. Xoojinta Nabadda iyo Midnimada Ummadda
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka SSC-Khaatumo waxa ay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.
4. Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay Maamul Kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajirka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyeen ka go’anaanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha Dowladdnimada, Isla markaana si faah-faahsan loo darsay horumarka laga sameeyay dhammaystirka dastuurka iyo u diyaar garawga shirka guud ee
SSC-Khaatumo, waxa ayna xukuumaddu go’aansatay;
B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka
T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC).
J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan.
5. Hirgalinta Mashaariicda horumarineed
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay si wada jir ah uga wada shaqayn doonaan hirgalinta mashaariic horumarineed oo wax ka badali doona nolosha dadka reer SSC-Khaatumo.
6. Arrimaha Maxaabiista
Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba.
Gunaanad
Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’ïisal Wasaaraha, Xukuumadda JFS taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo.
Booqashada Ra’ïisul Wasaaraha oo ahayd middii u horraysay ee uu RW Soomaaliyeed ku yimaaddo Magaalada Laascaanood ayaa ku soo gaba-gabawday farxad, nabad, iyo midnimo. Waxa uuna RW hu ku booriyey ummadda Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, ka shaqeeyaan amniga, horumarinta iyo midnimada.