Maamulka Trump ayaa qorshaynaya inuu duulaan dhanka dhulka ah ku qaado dalka Yemen, gaar ahaan deegaannada ay maamulaan kooxda Xuutiyiinta ee gacan saarka la leh dowladda Iran, waxayna Washington dadaal xoogan gelinaysaa inay duulaankaas qeyb ka noqdaan dalalka gobolku.
Boqortooyada Sucuudiga ayaa dhowaan shaacisay inaysan diyaar u ahayn ka qeyb-galka howlgalkaas oo ay u aragto mid nabad-gelyadeeda halis gelin kara, balse warar ay warbaahinta Carabta iyo reer galbeedku baahiyeen ayaa sheegayay in dowladda isku tagga Imaaraadka carabta ay qorshahan si weyn ugu gacansiinayso maamulka Trump, islamarkaana ay isku dayayso inay dowladaha carabta ku qanciso inay ku biiraan howlgalkaas.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa’se ka soo xigatay kaaliyaha wasiirka arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ee Arrimaha siyaasadda in wararka ku saabsan ka qayb-galka Imaaraadka ee wada-hadallada ku aaddan duulaanka Yemen ay yihiin kuwo been-abuur ah oo sal iyo raad lahayn.




From the comments