U bood dhigaalka

Mareykanka iyo Iran oo gaaray is-af-garad hordhac ah

Dowladaha Mareykanka iyo Iran oo Wada-hadallo uga socdeen dalka Cumaan ayaa gaaray is afgarad hordhac ah oo bilow u ah heshiis dhammeystiran oo dhinacyadu ay dhowaan wada-gali doonaan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Cumaan.

Wasaaradda ayaa sheegtay in wada-hadallada labada dal ay u gudbeen heerkii labaad, islamarkaana dhowaan ay kala saxiixan doonaan heshiis gebi ahaanba meesha ka saaraya hubka Nuclear-ka ee ay sameysigiisa ku howlantahay Iran, islamarkaana dalkaas laga qaadi doono dhammaan cuna-qabataynnada saaran.

Washington iyo Tehran ayaa u muuqda inay xaaladda dejinayaan ka dib sanado badan oo cadaawad iyo loolan ah, waxaana la filayaa in heshiis ay labadan dal wada-galaani uu wax weyn ka badeli doono xasilloonida gobolka aan deganayn ee Bariga Dhexe