U bood dhigaalka

Faahfaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya howlgal ay ciidanka xoogga dalku ka fuliyeen agagaarka degmada Aadan Yabaal

Ciidamada Deegaanka Mabaax oo hoos taga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa weerar qorsheysan galabta Maqribkii ku qaaday koox Al-Shabaab ah oo isku uruursatay aagga degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo khasaare badan lagu gaarsiiyey Alshabaab.

Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegay in xubno badan ay ku dileen howlgalka oo sidii loo qorsheeyey u dhacay, isla markaana ay ku guuleysteen inay ka hortagaan falal ay kooxdaasi maleegayeen.

Waxaa socota qiimeynta khasaaraha Kooxda Alshabaab lagu gaarsiiyey howlgalkaan caawa ka dhacay inta u dhaxeysa Mabaax iyo Aadan-yabaal, waxayna saraakiishu noo sheegeen in meydad badan ay yaallaan goobta.

Wixii ka soo kordha howlgalkaas kala soco Warbaahinta goobjoog