In ka badan 500 oo askari oo Turki ah ayaa toddobaadkan soo gaaray caasimadda Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo Soomaali ah iyo diblumaasiyadeed shisheeye, waxaana ciidamadan keentay diyaarad military oo ay leedahay dowladda Qatar.
falanqeeyayaasha gobolka ayaa arrintan ku tilmaamay in Ankara ay xoogga saarayso in amniga Geeska Afrika ay saameyn xooggan ku yeelato, waxayna ilo xog-ogaal ahi sheegeen in ciidanka Turkigu Soomaaliya keenayo la filayo inay gaaraan ilaa 2000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaadanaya sugidda amniga mashaariicda uu dalkaasi Soomaaliya ka fulinayo oo ay ku jirto dhismaha goob laga diro dayax gacmeedyada.
Sidoo kale xoogaggan ayaa taageero siin doona ciidanka dowladda ee dagaalka kula jira kooxda Al-Shabaab, balse dowladaha faraha kula jira arrimaha Soomaaliya sida Imaaraadka iyo Mareykanka ayaa walaac xooggan ka qaba dhaqdhaqaaqa militari ee Turkigu ka wado Soomaaliya.




From the comments