Xiisadda y dhexeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa cirka isku sii shareeraysa ka dib markii Xukuumadda New Delhi ay Islamabad ku eedeysay dad lagu diley gobolka lagu muransanyahay ee kashmir.
Xukuumadda Hindiya ayaa dalkeeda ka ceyrisay dublumaasiyiin uu kamid yahay u qaabilsanihii arrimaha difaaca ee safaaradda Pakistan, taas oo xaaladda uga sii dartay.
Dhankeeda Pakistan waxay hakisay ganacsigii kala dhexeeyay Hindiya oo ay ku jiraan badeecadaha ka imanayo waddan kasta oo saddexaad oo soo mara dhulkeeda.




From the comments