Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo uu uga qaybgalayo shirka dalalka xubnaha ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Shirkan ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furmo maanta, iyadoo lagu gorfeyn doono horumarka iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee hawlgalka AUSSOM oo ah mid muhiim u ah xasilloonida iyo nabadgelyada Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu socdo shirka la wadaagi doona madaxda kale ee ka qaybgaleysa guulaha ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed iskaashiga uga gaareen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.




From the comments