Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta si rasmi ah ugu soo dhaweeyay Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda ee Federaaliga Ruushka, ahna Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe iyo Afrika, Mudane Mikhail Bogdanov.
Labada dhinac ayaa ka wada hadli doonna xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, iyadoo diiradda la saarayo kobcinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, iyo horumarinta dhaqaalaha.
Waxaa sidoo kale laga wada hadli doonnaa sidii kor loogu qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay iska kaashan karaan Soomaaliya iyo Ruushka.




From the comments