Ku dhowaad 70 muhaajiriin ah oo lagu diley xeebaha Yemen
Sheeko:Wararka Caalamka

Ku dhowaad 70 qof oo muhaajiriin afrikaana ah ayaa lagu diley duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay xeebaha dalka Yemen sida laga soo xigtay kooxda Xuutiyiinta.
Warbaahinta taageerta kooxda Ansar Allaah ayaa sheegtay inay dhinteen 68 tahriibayaal Afrikaan ah, halka ay dhaawacmeen 47 kale, ka dib duqeymo duqeymaha xooggan Mareykanku ka fuliyay xeebaha dalkaas.
Si kastaba ha ahaatee lama oga dalalka ay ka yimaadeen muhaajiriintaasi, balse waxaa loo badinayaa inay ka tageen dalalka bariga Afrika sida Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya.