U bood dhigaalka

War Degdeg ah: Madaafiic Lagu Weeraray Agagaarka Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde

Sheeko:War

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa xaqiijinaya in tiro madaafiic ah lagu weeraray agagaarka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xarumo badan oo caalami ah iyo ciidamo shisheeye.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ugu yaraan saddex hoobiye ay kusoo dhaceen deegaanno u dhow Xalane, iyadoo madaafiic qaarkood la sheegay inay gudaha Xalane u gudbeen.

Weerarkan ayaa sababay in gudaha xerada Xalane laga shido digniinta amni ee muujisa jiritaanka halis degdeg ah.

Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay weerarka, mana jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda weerarkan.

Ciidamada ammaanka ayaa durbaba bilaabay baaritaanno iyo roondooyin ka socda aagga ay madaafiicdu kasoo dhacday.