U bood dhigaalka

Is barbar dhigga awoodda ciidan ee Pakistan iyo Hindiya 

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku sii shareeraysay xiisadda u dhexeysa dalalka Hindiya iyo Pakistan, waxayna labada dhinacba ay qaadeen tillaabooyin horseedi kara dagaal toos ah.

Sidoo kale Xukuumadda Islamabad ayaa saacado ka hor sheegtay in laga yaabo inay hubkeeda Nuclear-ka u adeegsato xiisaddan, waxayna warbaahinta dunidu hadal-haysaa awoodda ciidan ee labadan dal.

Sida lagu sheegay qeymayn la sameeyay sanadkii tagey ee 2024, Hindiya waxay kaalinta 4-aad kaga jirtaa dalalka dunida ugu awoodda badan, halka Pakistan ay booska 12-aad kaga jirto liiskaas.

Dadweynaha Hindiya waxay ka badanyihiin 1.438 bilyan oo qof, kuwaas 1.45 milyan oo kamid ahi ay yihiin ciidamada qalabka sida, halka ciidanka keydka lagu qayaaso 1.15 milyan, xoogagga sida military-ga u tababaranina waa ku dhowaad 3 milyan oo askari.

Pakistan dadweyneheeda waxaa lagu qayaasaa 247.5 milyan oo qof, halka militariga dalkaasi uu gaaraya 654,000 kun oo askari, ciidanka keydka ahi waa 550,000, kun oo askari, halka kooxaha sida military-ga u tababaranna tiradoodu ka badantahay 550,000.

2) Miisaaniyadda difaaca 

Miisaaniyadda sanadlaha ah ee difaaca dalka Hindiya waa $76 billion oo dollar, halka dowladda Pakistan ay sanad walba ciidamadeeda qalabka sida ku qarash-garayso $11 billion dodoollar.

3) Awoodda Ciidanka dhulka 

Ciidanka qalabka sida ee Hindiya ayaa ku hubaysan 4,700 oo tangi, kuwaas oo isugu jira T-90, Arjun, iyo T-72, sidoo kale waxay haysataa tiro madaafiicda artillery-ga ah iyo gantaallo kale.

Pakistan ayaa ayaduna haysata 2,627 Tangi,17,516 baabuurta gaashaaman ah, tiro madaafiicda la jiido ah, iyo gantaallo uu ugu caansanyahay Shaheen oo gaari kara masaafo dhan 2,750 oo kilometer.

4) Awoodda Nuclear-ka.

Labada dalba waxay haystaa hubka Nuclear-ka, ayadoo Hindiya 160-170 oo madaxyada Nuclear-ka ah, halka Pakistan ay haysato 165-175 oo madax, taas oo muujineysa in farqi weyni labada aysan u dhexayn markii la eego awoodda Nuclear-ka.

5) Cududka ciidanka Cirka

Dhinaca awoodda cirka Hindiya waxay leedahay 2,229 diyaaradood oo ay ku jiraan 600 oo ah Diyaaradaha dagaalka ee Rafale, Su-30MKI, iyo Tejas, halka Pakistan 1,400 oo diyaaradood oo ay kamid yihiin JF-17, iyo F-16S.

6) Ciidanka badda

Dhanka ciidanka badda Hindiya waxay haysataa 150 markab oo dagaal oo isugu jira kuwa howlgallada roondada ah sameeya, kuwa diyaaraha xambaara, gunjisyada biyaha dhex maquurta, maraakiibta wax burburisa iyo noocyo kale.

Pakistan ayaa dhankeeda 111 markab oo dagaal oo ay ku jiraan 11 gunjis, maraakiibta roondada samaysa, kuwa wax burburiya, iyo kuwa miinada baara, balse ma laha maraakiib diyaaraha xambaara sida lagu sheegay warbixin la soo saaray sanadkii 2024-kii.

Labadan dal ee deris ah waxaa horay u dhex maray dagaallo lagu hoobtay, xiisaddooduna waa mid taniyo xilligii ay madax-bannaani qaateen soo jiitamaysay, waxaana khilaafkooda xuddun u ah gobolka lagu muransanyahay ee kashmir.