Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horreysay si cad u shaaciyay in Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay isbahaysiga Carabta ee ay hoggaaminayaan Boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, kaas oo ujeeddadiisu tahay la-dagaallanka kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat ee laga leeyahay dalka Sacuudiga, isagoo carrabka ku adkeeyay in Dowladda Soomaaliya ay garab istaagto Sacuudiga iyo xulafadiisa, kana mid tahay dadaallada lagu doonayo in lagu sugo xasilloonida gobolka, gaar ahaan badda Cas iyo badweynta Hindiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xusay in dhaq-dhaqaaqyada kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ee ka jira gudaha Soomaaliya ay qayb ka yihiin istaraatiijiyadda Xuutiyiinta, iyagoo doonaya in ay gacanta ku dhigaan xeebaha istaraatiijiga ah ee Soomaaliya si ay u taageeraan ujeeddooyinka kooxahaasi ee gobolka.




From the comments