U bood dhigaalka

Hirshabelle oo ganaaxday Saddex Xildhibaan oo dhaliilay Madaxweynaha Hirshabeelle

Sheeko:War

Guddiga Xeer-hoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Xildhibaanada ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Hirshabelle ayaa go’aan ka gaaray seddex xildhibaan oo lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen xeer-hoosaadka Golaha, isla markaana ay sameeyeen ficillo wax u dhimaya anshaxa iyo sharafta Xildhibaanka.

Xildhibaanada la anshax marinayo ayaa kala ah:

Xildhibaan Axmed Saneey Maxamed (Saneey)

Xildhibaan Saadaq Mukhtar Cabdulle

Xildhibaan Axmed Cali Abuuukar

Guddiga ayaa sheegay in eedeymaha loo jeediyay xildhibaanadan ay la xiriiraan:

Ficillo aan waafaqsaneyn Xeer-hoosaadka Golaha.

Faafinta warar sumcad-dil ah oo ay ku baahiyeen baraha bulshada.

Dhaqan xumo ka dhan ah anshaxa iyo xeerka Golaha.

Kadib baaritaan iyo falanqeyn dheer, guddigu wuxuu go’aamiyay in seddexdan xildhibaan laga joojiyo ka qeybgalka kulamada Golaha iyo shaqada Guddiyada muddo hal kal-fadhi ah oo siman.

Guddigu wuxuu sidoo kale digniin u diray xubnaha la anshax marinayo, haddii ay diidaan fulinta go’aankan, in dib loo eegi doono xilalkooda oo tallaabo sharci ah laga qaadi doono.