Puntland ayaa goordhow ku dhawaaqday in ay magaalada Hargeysa u dirtay 15 maxbuus oo horey uga tirsanaa Somaliland oo ay muddo ku haysay xabsiyada maamulkaasi.
Talaabadan ayaa qayb ka ah isfaham cusub oo labada maamul dhex maray, kaas oo lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadda siyaasadeed iyo colaaddaha.
Dhinaca kale, Somaliland ayaa soo dirtay 11 maxbuus oo ay ku qabatay deegaannada gobolka Sool, kuwaas oo loo heysto in ay ku lug lahaayeen dagaalladii u dhaxeeyay SCC Khaatumo iyo Somaliland.




From the comments