Dunida oo maanta laga xusayo maalinta Shaqaalaha Adduunka

1-da bisha Maajo oo maanta ku beegan waxaa sanad walba dunida laga xusaa maalinta Shaqaalaha Adduunka, ayadoo howlwadeenada lagu dhiirigeliyo waxqabadkooda iyo firfircoonidooda shaqo.
Maalintan caalamiga h waxaa markii ugu horraysay la asteeyay sanadkii 1889kii, waxaana laga xusaa inta badan dalalka dunida, ayadoo dowladaha badankooda u ah maalin fasax qaran ah.
Dowladda Soomaaliya iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada ayaa ku dhawaaqay inay maanta fasaxyihiin shaqaalaha rayidka ahi, ayagoo ku hambalyeeyay munaasabadda maalinta caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka.
Shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa la dalaadhacaya duruufo adag oo isugu jira xuquuqda ay qaataan oo aad u yar, saacadaha shaqada oo badan, iyo loo shaqeeyeyaasha oo intooda badan aan u hoggaansanayn sharciyada hawl-gab.