U bood dhigaalka

Mareykanka oo qalabka difaaca hawada ee Patriot ka iibinaya dalka Kuwait

Waaxda gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon-ka ayaa sheegay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalkaasi ay meel marisay heshiis ganacsi oo dalka Kuwait looga iibinayo qalabka iyo adeegyada lagu taageerayo nidaamka gantaallada ee Patriot.

Heshiiskan ayaa ku kacayaa $425 milyan oo dollar, waxayna Kuwait ka mid noqanaysaa dhawr oo ka tirsan dowlaha gobolka bariga dhexe, kuwaas oo haysta hannaanka difaaca hawada ee Patriot.

Taniyo markii uu xaafiiska yimid Donald Trump Mareykanku wuxuu sare u qaaday hubka uu ka iibinaya dalalka carabta, waxayna dhowaan Washington shaacisay in qalabka militari oo qeymihiisu gaarayo $ 100 bilyan oo dollar ay ka iibinayso dalka Sucuudiga.