War Degdeg ah: Xuutiyiinta Yemen Digniin Cusub Soo Saaray Kadib Weerarkii Lagu Qaaday Garoonka Ben Gurion ee Israa’iil

Caasimadda Israa’iil ayaa wajahday weerar culus kadib markii Xuutiyiinta Yemen ay ku tuureen gantaallo iyo madaafiic la beegsaday garoonka diyaaradaha Ben Gurion ee magaalada Tel Aviv.
Warar cusub ayaa sheegaya in qeybo kamid ah madaafiicdaasi si toos ah ugu dhaceen garoonka, taas oo sababtay waxyeello iyo hakad ku yimid dhammaan duullimaadyadii garoonka.
Afhayeen u hadlay ciidamada milatariga Xuutiyiinta ayaa si cad u sheegay in ay mas’uul ka yihiin weerarka, isagoo yiri:
“Waxaan fulinay howlgal milatari oo aan ku beegsanay madaarka Ben Gurion. Waxaan uga digeynaa dhammaan shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah in ay isku dayaan in ay isticmaalaan garoonkaas, waayo hadda waa meel aan aamin ahayn.”
Qalabka difaaca cirka ee Israa’iil, gaar ahaan nidaamka Iron Dome, ayaa la sheegay inuu ku guuldareystay inuu qabto dhammaan gantaallada, taasoo sababtay cabsi weyn iyo kala carar ka dhashay gudaha magaalada.
Ilo caafimaad ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad rayid ah oo ku dhaawacmay weerarka, inkasta oo tirada saxda ah aan wali si rasmi ah loo shaacin.
Maamulka garoonka Ben Gurion ayaa si degdeg ah u xiray garoonka, iyadoo dhammaan duullimaadyadii gudaha iyo kuwa caalamiga ah la joojiyay illaa amar dambe.