Itoobiya iyo Israa’iil oo ka wada-hadlay xaaladda geeska Afrika

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Israa’iil Gideon Sar oo booqasho rasmi ah ku tagey magaala-madaxda Itoobiya ee Addis-ababa ayaa masuuliyiin dalkaas kala hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo inay iskaashi dhinacyo badan yeeshaan.
Wada-hadalka Labada wasiir arrimaha dibedeed ee Israa’iil iyo Itoobiya markii uu soo dhammaaday war qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in booqashada Gideon Sar ay tahay tii ugu horreysay ee uu ka tago dalalka Afrika midkood, ayna ka go’an tahay sii xoojinta xariirka ka dhaxeeya labada dhinac.
Itoobiya ayaa sheegtay inay tahay albaabka ugu weyn ee laga galo qaaradda Afrika, waxayna dhowaan Israa’iil kala hadashay xaaladda geeska Afrika oo ay ku jiraan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab iyo arrimaha badda Cas.