U bood dhigaalka

Hindiya oo duqeysay goobo ku yaalla Pakistan iyo Militariga dalkaas oo jawaab adag ka bixiyay

Hindiya ayaa saacado ka hor weerar bartilmaameedyo ku yaalla gudaha dalka Pakistan, ayadoo sheegtay inay beegsaday xurumo ay lahaayeen kooxo ka dagaallama gobolka Kashmir, islamarkaana ay taageerto dowladda Pakistan.

Duqeymaha Hindiya ay ka geysatay gobollada Kotli, Bahawalpur’s Ahmedpur, Bagh, Muzaffarabad, iyo Muridke ayaa sababay geerida ugu yaraan 8 qof, halka 35 kalena ay ku dhaawacmeen sida uu sheegay afhayeen u hadlay ciidamada Pakistan oo lagu magacaabo Janeraal Ahmed Sharif Chaudhry.

Dhanka kale militariga Pakistan oo tillaabadan ka jawaabaya ayaa soo riday 5 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada Hindiya, ayagoo sidoo kale duqeyn ku burburiyay mid kamida saldhigyada ciidanka lugta Hindiya, sida uu sheegay TV-ga dowladda Pakistan.

Labada dhinac oo maalmihii la soo dhaafay hanjabaado culus hawada isku marinayay ayaa hadda u muuqda inay billaabeen gacan ka hadal militari, waxaana walaac laga muujinayaa in xiisadda dalalka awoodda Nuclear-ka ku gaashaamani ay horseedo dagaal ku faafa gobolka iyo dunidoo dhan.