Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha ciidanka AFRICOM?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka gaashasndhigga, iyo Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay Taliyaha ciidanka Mareykanka ee qaaradda Afrika ee loo soo gaabiyo AFRICOM, Jeneraal Michael E. Langley oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulamo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jeneraal Michael E. Langley, kala hadlay xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, ayadoo sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha Daacish iyo Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa muujiyey muhiimadda taageerada joogtada ah ee dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.
Ciidanka AFRICOM ayaa kaalin weyn ku leh dagaalka ka dhanka ah Alshabaab iyo Daacish, ayagoo duqeymo cirka ah ku taageera ciidanka xoogga dalka, kuwa Daraawiishta dowlad goboleedyada, iyo xoogagga deegaanka ee macawiisleyda.