Safiirka Soomaaliya ee Indonesia oo ka mid noqday Siddeed Safiir oo waraaqadaha uu ka gudoomay Madaxweynaha dalkaasi

Magaalada Jakarta – Danjire Feysal Ahmed, oo ah wakiilka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kamid noqday siddeed Safiir oo warqadahooda aqoonsiga laga guddoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 8 May 2025, munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Merdeka ee caasimadda dalka Indonesia.
Madaxweynaha cusub ee Indonesia, Mudane Prabowo Subianto, ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirennimo Danjire Feysal Ahmed, isagoo muujiyay sida dowladdiisu ugu faraxsan tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya.
Danjire Feysal ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Indonesia soo dhaweynta diirran iyo fursadda uu u helay inuu matalo dalka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay sida uu uga go’an yahay xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha.