Ankara – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga ayaa walaac xooggan ka muujiyey xaaladda sii xumaaneysa ee u dhexeysa dalalka Pakistan iyo Hindiya, taasoo haatan isu beddeshay gacan ka hadal ay dad badani ku dhinteen.
Madaxweynuhu wuxuu yiri:
“Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay in xiisadda ka dhex aloosan Pakistan iyo Hindiya ay isu beddeshay isku dhac gantaallo ah oo ay ku dhinteen dad badan oo aan waxba galabsan. Ilaahay ha u naxariisto walaalaheenii naftooda ku waayey weerarradaas. Mar kale waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa shacabka iyo dowladda Pakistan.”
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in uu shalay khadka telefoonka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Mudane Shahbaz Sharif, si ay uga wada hadlaan xaaladda taagan iyo sidii loo yareyn lahaa xiisadda.




From the comments