Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u sagootisay xujaydii ugu horraysay ee sanadkan u ambabaxaysa gudashada waajibaadka Xajka.
Munaasabadda sagootinta oo ka dhacday Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sannadkan nasiibka u yeeshay in ay gutaan waajibaadka Acmaasha Xajka.
Xujeyda maanta la sagootiyay oo tiradoodu tahay 431 ruux ayaa ah wejigii ugu horreeyay ee sanadkan, waxaana qorshuhu yahay in wejiyo kale oo xujey ah ay dalka ka dhoofaan maalmaha soo socda.




From the comments