Ciidanka booliiska gobolka Nugaal ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedeysane loo haysto fal dil ah oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Garoowe.
War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa xaqiijiyey in laamaha amniga ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigeen eedaysane loo haysto fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe.
Falkaasi ayaa dhacay caawa oo ay taariikhdu tahay 09 May 2025, saacadda markay ahayd 07:45 habeenimo, waxaana uu ka dhacay jidka Sodonka, agagaarka shirkadda NEC ee magaalada Garoowe.




From the comments