U bood dhigaalka

Duqa Muqdisho oo amar kusoo rogay Shirkaddihii dhisay laamiyaddii ay roobabka burburiyeen

Sheeko:War

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa ka hadlay xaaladda degdegga ah ee ka dhalatay roobab mahiigaan ah oo si daran uga da’ay magaalada Muqdisho iyo agagaarkeeda.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu qaaday tallaabo kasta oo suuragal ah si loo yareeyo saameynta daadadka iyo roobabka dabaasha wata ee sababay waxyeelo ballaaran oo gaaray waddooyin, guryo, iyo xaafado ka mid ah Caasimadda.

“Howl adag ayaan ka wadnaa maareynta saameynta roobka. Waxaan diyaarinay matoorro waaweyn oo tuura biyaha iyo booyado dhaqaajinaya biyaha fadhiya meelaha muhiimka ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa sheegay in warbixin dhamaystiran oo ku saabsan saameynta roobka la soo saari doono goor dhow, si loo ogaado baaxadda khasaare ee dhacay.

Waxa uu intaa ku daray in gargaar degdeg ah la gaarsiinayo dadka ay waxyeellada ka soo gaartay roobabka, gaar ahaan kuwa ku barakacay daadadka ama guryahooda ay galeen biyo.

“Waddooyinkii uu roobku burburiyay si degdeg ah ayaa loo dhisi doonaa, waxaana fareynaa shirkadihii hore u dhisay waddooyinkaasi in ay markale dib u dhisaan laamiyo tayo leh oo ka adkaysan kara roobabka iyo daadadka,” ayuu yiri Maxamed Axmed Amiir.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka Caasimadda in ay la shaqeeyaan maamulka, ayna muujiyaan dulqaad iyo feejignaan inta laga maareynayo xaaladda degdegga ah.