Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo dhowaan safar ku tagi doona Sucuudiga iyo qaar kamid ah dalalka kale ee Khaliijka Carabta ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqi doono aqoonsiga dowlad madax-bannaan oo falastiiniyiintu leeyihiin, sida ay qorayso Warbaahinta Bariga Dhexe.
Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa bishan dhexdeeda martigelin doonta shir-madaxeedka Mareykanka iyo dalalka Khaliijka,waxaana la isla dhexmarayaa ku dhawaaqis weyn oo ku saabsan dawlad Falastiini ah, iyo iskaashiga nukliyeerka ee Maraykanka iyo Sucuudiga u dhexeeya.
Booqashada Trump oo ah tii ugu horreysay ee uu ku tago dal shisheeye taniyo markii uu Xaafiiska la wareegay horraantii sanadkan ayaa isha lagu wada hayaa, ayadoo Mareykanka uu dalalka gobolka la geli doono heshiisyo waaweyn oo balaayiin doollar ku kacaya.




From the comments