Hindiya iyo Pakistan ayaa midba midka kale ku eedeeyay “xadgudub” saacado ka dib markii labada waddan ay sheegeen inay ku heshiiyeen xabbad-joojin ka dib maalmo ay socdeen weerarro millatari oo xudduudaha ka gudbaya.
Kadib dhawaaqyo qaraxyo ah oo laga maqlay gobolka Kashmiir ee ay Hindiya maamusho, wasiirka arrimaha dibadda ee Hindiya Vikram Misri ayaa sheegay inay jireen “xadgudubyo soo noqnoqday oo ku saabsan fahamkii aan gaarnay”.
Wax yar ka dib, wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan ayaa sheegtay in ay “ay ka go’an tahay dhaqangelinta daacadda ah ee xabbad-joojinta…inkastoo ay jiraan xad-gudubyada ay Hindiya ka geysanayso meelaha qaarkood”.




From the comments