U bood dhigaalka

Madaxweynaha Suuriya oo la filayo inuu la kulmo Trump 

Sida ay sheegtay shabakadda Axios, oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah Madaxweynaha Donald Trump ayaa la filayaa in uu arbacada soo socata caasimadda Sucuudiga ee Riyad kula kulmo dhiggiisa Suuriya Ahmad al-Sharaa Arbacada.

Dowladda Sucuudiga ayaa si weyn uga shaqaynaysa kulanka oo dhinaca Suuriya muhiimad weyn u leh, balse dhanka maamulka Trump ma jiro war rasmi ah oo ay arrintan ka soo saareen.

Suuriya oo la daalaadhacaysa cunaqabateynno uu Mareykanku saaray intii ay xukunka hayeen qoyska reer Assad ayaa si weyn u danaynaysa inay xariir wanaagsan la yeelato dhinaca Washington si looga taageero xallinta culaysyada amni iyo kuwa dhaqaale ee ku hor gudban.