U bood dhigaalka

Trump oo qaaday tillaabooyin ku aaddan xaaladda bariga Dhexe ka hor booqashadiisa gobolkaas 

Madaxweynaha dalka  Mareykanka Donald Trump ayaa qaaday tillaabooyin waaweyn oo wax ka badelay xaaladda bariga dhexe ka hor intaanu booqashadiisa gobolkaas oo uu mmaanta ku gaaray caasimadda Boqortooyada Sacuudiga ee Riyaadh.

Booqashada Trump ee gobolka oo muddooyinkan la hadal-hayay ayuu ku mari doonaa dalalka Sucuudiga, Imaaraadka, iyo Qatar, asagoo la filayo inuu la geli doono heshiisyo waaweyn oo dhinacya badan taabanaya.

Safarkan ayaa noqanaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Trump ee ku tago meel ka baxsan Mareykanka, taniyo markii uu xilka la wareegay horraantii sanadkan, wuxuuna socdaalkiisu ku soo beegmayaa xilli uu heshiisyo hordhaca la galay Xuutiyiinta iyo Iran, islamarkaana laga dayrinayo xariirka maamulkiisa iyo Israa’iil, Aqoonsiga falastiiniyiintana sida la sheegay uu miiska u saaranyahay.